Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Maanta si rasmi ah u Daah-furay Manhajka Malcaamadaha Qur’aanka oo ay hirgelisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isla markaana ay soo daabacday Shirkadda Buugaagta ee Hemo Books, waxaanu sidoo kale furay Mac-hadka Tabobarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada.
Munaasibad lagu qabtay Mac-hadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada oo ku yaalla Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Maamulayaasha iyo Macallimiinta Maddaarista, Mas’uuliyiinta Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku middaysan yihiin, Guddiga Manhajka diyaarisay, Culimo, iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Diinta.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaaraddu ugu guulaysatay dejinta Manhajkan iyo hirgelinta Mac-hadka Tabobarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada oo uu sheegay in isla toddobaadkan si rasmi ah Mac-hadkan looga bilaabmi doono Tabobarrada,Agaasimaha Guud ayaa u mahad-naqay Wasiirka Maaliyadda iyo Shirkadda HEMA BOOKS.
Agaasimaha Waaxda Maddaarasadaha iyo Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, iyo Sheekh Maxamed Macallin Ibraahim oo ku hadlayey Afka Guddiga Manhajka samaysay, Sheekh Maxamed Yuusuf oo ku hadlayey Afka Jimciyadaha Maddarasadaha Qur’aanka, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyeey dejinta Manhajkan oo faa’iido u leh qaranka iyo Machadka Tabobbarka oo ay sheegeen in baahi badan loo qabay, isla markaana wasaaradda ku bogaadiyey hirgelintooda.
Agaasimaha Shirkadda HEHMA BOOKS Xasan Cali, ayaa ka warramay dedaalka ay u galeen wanaajinta Manhajkan oo markii ay Qandaraaskiisa ku guulaysteen shirkad ahaan 2019-kii ay farsamo ahaan waafajiyeen nidaamka Manaahijta loo daabaco, iyaga oo ka duulaya fahamka Bulshadda iyo habka ay u doonaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.
Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, Waxaanay sheegeen inay tahay guul Qaranka u soo korodhay, maaddaama oo uu Qur’aanku yahay Tiir-dhexaadka nolosha Muslimiinta, isla markaana ay waajibna tahay in la weyneeyo Qawlka Eebbe.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa gebogabadii Munaasibaddaas ka jeediyey Khudbad uu kaga warramay marxaladaha ay Wasaaraddu soo martay, qodobbada ugu waawayn waxyaabaha u qabsoomay tobankii sano ee uu Wasiirka ka ahaa, isagoo xusay inay qoddobadaas ka mid yihiin hirgelinta Idaacadaha Qur’aanka ah ee Radio Hargeysa, helista Dhisme ku habboon shaqada Wasaaradda, samaynta Diiwaangelinta Maddarasadaha Qur’aanka iyo Macallimiintooda, Tabobbarista iyo taakulaynta Macallimiinta, Mu’addimiinta Masaajidda iyo Iimaamyada oo aqoontooda la kaabay, furista Machadka, Samaynta Manhajka Maddaarista iyo qodobbo kale.
Wasiirku wuxuu Maamulka iyo Macallimiinta Maddarasadaha u soo jeediyey inay dhaqangeliyaan Manhajka ay Wasaaraddu u diyaarisay oo aanay jirin cid dhaqaale ahaan Somaliland ka caawisay.
Ugu Dambayn Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu Shahaado-sharaf iyo Abaal-marin ay Mas’uuliyiinta Wasaaradiisu ku maamuuseen guddoonsiiyey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda iyo Maamulka Shirkadda Manhajka soo daabacday ee Hemo Books oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaana Munaasibaddaa lagu qaybiyey Buugaagta Manhajka.