Nin Hubeysan oo Dad Ku Laayay Guri Ku Yaal Muqdisho

0
1280

Muqdisho (Hargeisa Press)- Nin ku lebisan direyska ciidamada Soomaaliya ayaa ugu yaraan Hal Qof ku diley Sagaal kalena ku Dhaawacay weerar uu ku qaaday Guri dadka Mingiska loogu tumo oo ku yaal degmada War Nabada hore loo odhan jiray Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Dhamme Sadiiq Adan Cali ayaa sheegay in lagu raad-joogo ninka falka geystay, ayna baadhitaan ku hayaan sababta keentay inuu goobtaasi beegsado.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdikariim Dheere oo kamid ahaan jiray ciidamada Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Saynab Maxamad Xaabsey ayaa sheegtay in guriga ay dadkaasi si dhuumaalaysi ah hawshooda ugu wateen, kadib markii laga soo eryay qeybo kamid ah degmadaasi.

“Ka maamul ahaan, waxaan la wareegnay guriga ay dhibaatadu ka dhacday. Dadka dhaawaca ahna waxaan geynay cisbitaallada. Dadkii ka badbaaday weerarka waxaa hadda gacanta ku haya booliska oo su’aalo weydiinaya,” ayay tidhi gudoomiye Saynab oo u warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli todobaadkan ay booliska Soomaaliya sheegeen inay gacanta ku soo dhigeen nin 8-dii bishan dad isku qoys ah ku laayay deegaanka tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ninka ayaa la sheegay in laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo oo uu u baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here