Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Madax-dhaqameedka Awdal oo Natiijo La’aan Ku Soo Idlaaday

0
3233

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa natiijo la’aan ku soo idlaaday kulan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta gobolka Awdal ay wada yeesheen.

Kulankan ayaa Madax-dhaqameedka gobolka Awdal ay Madaxweynaha kala hadleen arinta Saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiillada Somaliland oo ay muddo dheer dood ka qabeen reer Awdal isla-markaana ay Saluugsanaayeen tirada Kuraasta ay ku leeyihiin golaha Wakiillada, kuwaasi oo dhan 13 Kursi.

Kulanka oo maanta ka dhacay aqalka Madaxtooyada ayaanay wax natiijo ahi ka soo bixin iyadoona madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedku ay ku kala kaceen kulankaasi.

Sidoo kale, Madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo galabta dib ugu laabtay magaalada Boorama ayaa ka hadlay kulanka ay la yeesheen madaxweynaha Somalilad iyo waxyaabihii ay kawada hadleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here