Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Burco Ka Dhagax Dhigay Mashaariic Dawladda Hoose Fulinayso

0
331

Burco (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta magaaladda Burco ka dhagax dhigay mashaariic kala duwan oo ay dawladda hoose ee Burco hirgelinayso.

C/raxmaan Saylici, iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jooga magaaladda Burco, ayaa mashaariicda uu maanta dhagax dhigay waxaa ka mid ah laba Waddo oo laga kala dhagax dhigay xaafadaha Maxamed Cali iyo Faarax Oomaar.

Waxa kaloo mashaariicda uu madaxweyne ku-xigeenku dhagax dhigay ka mid ah dhismaha Maktabad wax akhris oo laga dhagax dhigay halkii ay hore u ahaan jirtay Khayriyadda magaaladda Burco.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa dawladda hoose ee Burco ku amaanay mashaariicdan kala duwan ee ay hirgelinayaan ee ay Waddooyinka iyo Maktabadu ka midka yihiin.

C/raxmaan Saylici, waxa kaloo uu sheegay in Maktabaduhu ay ka mid yihiin goobaha laf-dhabarta u ah horumarka bini’aadamka, isla markaana ay wadamadda adduunka ee horumaray ka sameeyaan tiradda aqoon yahamiinta uu wadan waliba leeyahay.

Dhagax dhiga mashaariicdaasi ee Burco waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay wasiirrada biyaha, waxbarashadda, maayarka Burco iyo masuuliyiin kale.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here