Boorama (HP): Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha wadadda isku xidha Boorama iyo Baki ee gobolka Awdal.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku sugan magaaladda Boorama ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray dugsiga caruurta baahiyaha gaarka ah qaba, iyo xafiisyadda maamulka gobolka Awdal, iyo ka degmadda Boorama.
Waddada isku xidha Baki, iyo Boorama, oo ay dhistay haayadda dhismaha waddooyinka ee ASARDA, waxaa hirgelinteedda maalgelisay xukuumadda dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland, jidkaasi oo dhismihiisu muddo socday ayaa la dhameeyay wejigeedii koowaad.
Xadhig ka jarka dhismaha Wadadda isku xidha Boorama, iyo Baki, waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), iyo maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, iyo masuuliyiinta haayadda ASARDA.
DAAWO: Madaxweyne Ku xigeenka JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Waddada Isku Xidha Boorama iyo Baki:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.