Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Xaaladaha Cakiran Ee Dalkiisa Ka Taagan

0
341

Muqdisho (HP): Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladihii cakirnaa ee colaadees iyo siyaasadeed ee maalmahan ka taagnaa magaaladda Muqdisho.
Waxaanu sheegay in ay ka xukuumad ahaan mar walba diyaar u yihiin in la qabto doorasho, isla markaana ay shacabku hadda kala ogaadeen cid aan rabin doorasho iyo cidda rabta.
Isagoona xusay in ay jiraan xubno xukunka ku raadinaya in ay daadiyaan Dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Waxaanu tilmaamay in dariiwa keliya ee ay xalka u arkaan inuu yahay wadahdal iyo is qancin.
Madaxweyne Farmaajo, oo goor dhawayd hadal ka jeediyay telefishanka dawlada waxa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay loo qaybsamay bad baadiyeyaal iyo barokaciciyeyaal.
Balse ay iyagu qaateen go’aanka ah in ay noqdaan bad-baadiyeyaal, iyagoo mudnaanta siinaya shacabka, isla markaana ay garawsadeen in ay ka hor tagaan dhibaato shacabka soo gaadha.


Geesta kale madaxweyne Farmaajo, ayaa rebshadihii maalmahan ka dhacay Muqdisho ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen cadow shisheeye.
Kuwaasoo uu sheegay in ay muruq iyo maalba ku bixiyeen sidii ay u xagal daacin lahaayeen horumarka ummada Soomaaliyeed.
Sidaas darteedna ay iyagu ka hor tegeen oo ay gaashaanka ku dhufteen. Inkastoo aanu magacaabin cida ay yihiin cadowgaasi.
Shisheeyahaasi ayuu sheegay in ay doonayeen in ay dhalinyaradda Soomaaliyeed gacmahoodda isku dilaan.
Madaxweyne Farmaajo, waxa kaloo uu sheegay inuu todobaadkan danbe hor tegi doono golaha shacabka, si la isugu dheeli tiro heshiisyadii hore loo gaadhay.

Dhinaca kale Farmaajo ayaa faray haayadaha amaanka in ay ilaliyan xasiloonida caasimadda iyo bed-qabka shacabka, lagana fogaado wax kastoo khal khal keeni kara.

DAAWO: Hadalka Farmaajo:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here