Madaxweyne Cirro oo markale safar ugu baxaya Imaaraadka Carabta

0
1594

Hargeysa (HargeisaPress)– Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxaa uu mar kale safar ugu baxayaa Dalka Imaaraadka Carabta oo uu boqolkii Maalmood ee muddo xilleedkiisa safar guul u ahaa kala soo noqday.

Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa maalmahanba joogay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo ceelalyo u ah Safarka dambe ee Madaxweynaha, kaas oo ah mid qorshaysan, balse aan la ogayn in uu ku tagi doono inta Ramadan lagu jiro iyo dhammaadeedka midnaba.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa waxaa la sheegay in aanu Wasiirka Madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi ku wehelinayn safarkan Ceelalyada ah, isagoo kaga hadhay Hargeysa.

Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa ah dal saaxiib la ah Somaliland, waxaanu dhinaca kalena kala socdaa Xukuumadda Mareykanka oo ay dadka badankiisu aaminsan yihiin in uu sahan ugu yahay in ay soo degaan Magaaladda Berbera sida lagu baahiyay Warbaahinta caalamiga ah.

Ma cadda in Safarka kale ee Madaxweynaha Somaliland uu yahay hir gelinta qorshaha Aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland iyo in kale.

Safarkii hore ee Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay Imaaraadka Carabta khudbad uu ka jeediyay shir halkaasi ka dhacay waxaana uu ka sheegay in dalka Somaliland uu u baahan yahay aqoonsi, si ay dunida wax ula qaybsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here