Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu maanta kumanaan ka mid ah bulshada Somaliland kala qaybgalay xuska munaasibada sannad-guurada 34 ee 18 May ee ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland oo si weyn looga xusay guud ahaan goboladda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay halkii laga soo bilaabay qaranka iyo qiimaha iyo ahmiyada ay leedahay munaasibada maanta la xusayo.
Madaxweynaha, ayaa khudbadiisa kaga hadlay halgankii kala danbeeyay ee xorriyada Somaliland iyo qiimaha weyn ee ay ku fadhido qaranimada Somaliland, wuxuuna fagaaraha ka sheegay in aannay Somaliland cidna ku xadgudbayn, taas beddelkeedana aannay qaranimadeeda cidna u daba fadhiisanayn.
Dhinaca kale wuxuu xusay in iyadoo laga faa’idaysanayo munaasibada loo dabbaaldegayo ee sannad-guurada 34-aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay 18 May 1991, loo diray qoraal muhiim ah oo ka hadlaya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay oo ka koobban in ka baddan 190 dal oo Aduunka ah.
Munaasibadda sannad-guurada 34-aad oo lagu qabtay barxadda weyn ee badhtamaha caasimadda Hargeysa waxa madaxweynaha kala qaybgalay madaxweynihii 5-aad ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, shirguddoonka labada aqal, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda saddexda xisbi qaran, Diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda dalalka Somaliland la saaxiibka ah, iyo wufuud kala duwan oo xukuumaddu kusoo casuuntay munaasibadda.
Waxana uu madaxweynuhu salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dalka oo halkaas dhoollatus iyo gaaddo-ka-ciyaar kusoo bandhigay, iyada oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hay;adaha dawladda si weyn uga muuqdeen.
Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland sida Booliska, asluubta, dab-demiska iyo Militeriga oo hub iyo saanad casri ah oo lagu qalabeeyey, kuwaas oo bandhiggoodu si weyn usoo jiitay bulshadii fagaaraha caasimadda ku sugnayd iyo kuwii daafaha dunida ka daawanayey.