Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu kulan Hadhimo-Sharafeed ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland.
Munaasibadda qado-Sharafta Ganacsatada waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Somaliland, Agaasimeyaal Guud, haldoor iyo mudan kale.
Munaasibadda, ayaa waxa laga jeediyey hadallo mug leh oo salka ku haya kaalinta weyn iyo doorka Shariifka ah ee ganacsatada reer Somaliland ay kaga jiraan hourmarka dalka, amniga, xasiloonida iyo guud ahaanba nolosha bulshada.
Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga, Guddoomiyaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga, oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood soo dhaweeyey sida kal-furnaanta leh ee uu Madaxweynaha Somaliland isaga xilsaaray inuu kulan gaar ah la yeesho Ganacsatada dalka.
Waxana ay si cad u sheegeen in ay si dhaw ula shaqaynayaan tallaabooyinka horumarinta ah ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad dalka ka waddo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo kulanka Hadhimo-Sharafeedka ka jeediyey hadallo kooban ayaa Ganacsatada uga mahad celiyey doorka lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin nabadda, xasilloonida, horumarka bulshada iyo kobcinta Dakhliga iyo dhaqaalaha Qaranka.
Waxaanu Madaxweynaha Somaliland uu Ganacsatada uga mahad naqay sida ay u soo ajiibeen kulankan, waxana uu xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in ay si dhaw Ganacsatada ugala shaqeeyaan wax kasta oo ganacsiga, maalgashiga, Dalxiiska iyo Warshadaha dalka kor u qaadaya.