Madaxweyne Cirro oo Berbera ka dhagax-dhigay Aaga Warshadaha

0
1439

Berbera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa manta si rasmi ah uga dhax-dhigay Magaalada Berbera Aagga Warshadda, halkaas oo noqon doonta xarun u gaar ah warshadaha iyo wax soo saarka.

Xaflda ballaadhan oo ka qabsoontay Aagga loogu tallo-gelay warshadaha ayuu Madaxweynuhu ka dhagax-dhigay mashruucan oo laf-dhabar u ah horumarka dalka,isla markaana saamayn weyn ku yeelan doona nolosha bulshada reer Berbera.

Ugu horreyn waxa halkaas hadal kooban ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Siciid Maxamed Buraale,kaas oo ka warramay horumarka iyo mihiimada ay Qaranka u leeyihiin Aagga Warshadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaa cid kasta oo maalgashanaysa dalka JSL,waxaanu xusay in dhawaan alaabtii debada laga keeni jiray ay Warshaduhu halkan ku samayn doonnaan.

Gunaanadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah uga dhagax-dhigay Magaalada Berbera Aaga Warshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here