Jigjiga (HP): Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta gaadhi guddoonsiiyay Guuleed Ibraahim, oo ah Wiil degan magaaladda Jig-jiga.
Wiilkani uu madaxweyne Cagjar, baabuurka guddoonsiiyay ayaa abaalmarintani ku mataystay kadib markii Bijaaj uu watay wiilkaasi haweenay uu siday lacag badan ku dhex ilawday, gudaha magaaladda Jig-jiga horaantii sanadkan.
Iyadoo kadibna Guuleed Ibraahim, markii uu arkay lacagta hooyadaasi ku ilawday uu lacagtaasi dib ugu celiyay, arrintaasi oo xiligaa si weyn u qabsatay warbaahinta Soomaalida iyo baraha Internet-ka ee bulshadu ku xidhiidho.
Madaxweyne deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar, oo wanaagii uu wiilkaasi u sameeyay hooyadaasi ka jawaabayay ayaa xiligaasi balan qaaday in uu Guuleed Ibraahim, siinayo baabuur uu ku shaqaysto.
Waxaanu maanta guddoonsiiyay baabuurkii hore u balan qaaday madaxweyne Cagjar, maadaama oo Guuleed Ibraahim, uu hore u ahaa wiil Bijaaj kaga dhex shaqaysta magaaladda Jig-jiga.
Gaadhigani la guddoonsiiyay wiilkani ayaa noociisu ahaa Bas, kaasoo ka mida kuwa ka dhex shaqeeya gudaha magaaladda Jig-jiga. Iyadoo uu madaxweyne Cagjar, wiilkaasi ku wareejiyay Furaha baabuurkaasi
Munaasibad loo sameeyay guddoonsiinta wiilkaasi ee baabuurka uu siiyay madaxweyne Cagjar, oo ka qabsoontay madaxtooyadda Jig-jiga waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan DDS Itoobiya iyo Guuleed Ibraahim, iyo waalidkiisa.
Geesta kale, wiilkan gaadhiga la guddoonsiiyay oo ka dareen celiyay baabuurka maanta la siiyay ayaasheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, isla markaana uu uga mahad celinayo madaxweyne Cagjar.
Waxaanu yidhi, “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in gaadhigii uu madaxweynuhu iigu balan qaaday, uu maanta igu wareejiyay. Aad baanan ugu mahad celinayaa xukuumadda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo shacabka oo dhan. Waa maalin aan aad u faraxsanahay”.
“Waad arkaysaa, qofka wanaaga sameeya. Markaa waxaan ku waanin lahaa uun in ay dhamaantoodba wanaaga sameeyaan, oo ay ku dedaalaan” ayuu yidhi Guuleed Ibraahim, oo la dar-daarmayay bulshadda gaar ahaana dhalinyaradda.
Dhinaca kale, waxaa jirtay in hore lacago ay Guuleed ugu soo ururiyeen qurbe joogta u dhalatay deegaanka Soomaalida Itoobiya ee wadamadda dibadda ku nool.
Taasoo ay ku dhiiri gelinayeen wanaagii uu wiilkani u sameeyay hooyadii lacagta ku ilawday Bijaajtiisa.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.