ALGIERS -Madaxweynaha Algeria Cabdulcasiis Butafliiqa ayaa kursiga ka dagi doona ka hor inta uusan xilkiisu dhammaan 28 bisha Abriil, sida ay ku warrantay warbaahinta qaranka.
Hoggaamiyahan 82 jirka ah ayaa xilka soo hayay muddo 20 sano ah, wuxuuna xaqiijin doonaa in hawlaha dawladdu ay sidooda usii shaqeeyaan ka hor inta uusan xilka banayn, sida lagu sheegay warsaxaafadeed madaxweyne oo ay tabisay wakaaladda wararka ee APS.
Warkan ayaa yimid ka dib markii ay in muddo ah dalkaas ka socdeen dibad baxyo lagu dalbanayo in uu is casilo.
Arrintaas ayaana ku qaaday in uu ka laabto qorshihii uu ku doonayay in uu markii shanad isugu soo sharaxo madaxweynenimada.
Doorashada ayaa dib loo dhigay, dawladda ayaana ballan qaaday in ay diyaarinayso shirwayne qaran si looga wada xaajoodo isbadalka waxna looga qabto waxyaabaha laga biyo diidan yahay.
Hadda ka hor ma cadday in uu is casilayo iyo goorta uu is casilayo haddiiba ay dhacdo in uu is casilayo.