Madaxweyne Biixi oo xadhigga ka jaray mashaariico laga hirgeliyey magaalada Boorama

0
1512

Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka hirgeliyay mashaariic kale duwan oo isugu jiray xadhig ka jaris iyo dhagax dhig, mashaariicdaasi oo ahaa kuwo muhiim u ah gobolka.

Madaxweynaha, ayaa ugu horayn xadhiga ka jaray dhaam biyood iyo riig biyood ay yeelan doonto magaalada Boorama, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay Terminalka garoonka diyaaradaha Boorama oo la dhisi doono, halka uu xadhiga ka jaray Maktabada Akhriska Boorama.

Mashaariicda madaxweynuhu xadhiga ka jaray kuwana dhagax dhigay, waxa ka hadlay Guddoomiyaha shirkada adeega Biyaha Boorama ee Shaaba oo Madaxweynaha ugu mahadnaqay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee bulshada u soo korodhay sida uu u dhiirigeliyo marwalba.

Sidoo kale, waxaa Maktabada ka hadlay Dr. Walhad oo faahfaahin ka bixiyey muhiimada ay xaruntani u leedahay Jaamacadda iyo magaaladaba, halka Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Dr. Axmed Aadan Buuxane uu xusay Muhiimada Maktabadu u leedahay bulshada Boorama.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo ku guda jira mashaariicda kala duwan ee gobolka Awdal laga hirgeliyey, ayaa warbixin ka dhegaystay Maareeyaha Hay’adda Duulista Iyo Madaarrada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo madaxweynaha iyo weftigiisa u sharaxay muhiimada Terminalka gegida diyaaraha Boorama uu u leeyahay dalka iyo gobolka Awdal.

Waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Awdal, Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid), oo soo dhaweeyey mashaariicda xukuumaddu ka hirgalay gobolka, halka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna musharaxa Madaxwayne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamuud Xasan Sacad Saajin uu isna ku dheeraaday mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka hirgelisay guud ahaan gobolka Awdal.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo goobahaasi ka hadlay, ayaa xusay muhiimada mashaariicahani u leeyihiin gobolka iyo dalkaba.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here