Madaxweyne Biixi oo si cad u shaaciyey inuu aqbalay natiijada doorashada

0
1642

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu ka hadlay natiijada ku meel-gaadhka ah ee shalay ka soo baxday Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta warbaahinta dowladda la hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in uu aqbalayo isla-markaana uu soo dhawaynayo natiijada Guddida Doorashooyinka ka soo baxday.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, ayaa hambalyeeyey Madaxweynaha ay dhawaan doorteen shacabka reer Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay doorashooyinkii madaxtooyada iyo xisbiyada ee dalka ka qabsoontay, sida shacbiga reer Somaliland ee codkooda sida nabadgelyada ah u dhiibtay, guddidii doorashooyinka, axsaabtii iyo ururradii tartamayey iyo ciidamadii amniga ilaalinayey.

Waxaa uu si cad u sheegay inuu aqbalay guusha xisbiga WADDANI ka soo hooyey doorashooyinkii dalka ka dhacay, murashaxiintiisana ku hambalyeynayo xilka culus ee la saaray.

“Waxan halkan ka caddaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada kasoo baxday oo uu ku guulaystay xisbiga WADDANI, sharcigana ay tahay sharafta iyo Qaran-dhiskuna sidaa yahay.” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Ma aha maalin aynu murmaynno oo aynu isku qabsanayno oo dhexdeenna khilaaf ka imanayo’e waa maalin aynu wada guulaysannay oo aynu Qarankeennii kor u dhisnay,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada, isaga oo guud ahaanba shacabka reer Somaliland-na ka codsaday in lala shaqeeyo Madaxweynaha la doortay, Qarandhiska Somaliland-na meel looga soo wada jeesto, si guul wadareed iyo badhaadhe loo gaadho.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here