Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeeyay Curashada Ramadaanta

0
1096

Hargeysa (Hargeisa Press.com):Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland xasuusiyey inay ka faa’iidaystaan khayraadka bisha Ramadaan, dhexdooda isu naxariistaan oo is caawiyaan.

Waxaanu bulshada Somaliland ku bogaadiyey sida ay qarankooda u dhisteen, isku-duubnida iyo midnimada ay muujiyeen iyo sida ay deriskooda u xaq-dhawreen, isagoo ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Sidoo kale madaxweyne Biixi, ayaa ciidamadda kala duwan ee qaranka ku amaanay sida xil-kasnimadda leh ee ay dalkoodda iyo dadkoodaba u ilaaliyaan.

Halkan Ka Daawo Fariinta Madaxweyne Biixi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here