Madaxweyne Biixi oo qaabiley Xubnaha Guddida Doorashooyinka qaranka

0
1389

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu Xafiiskiisa ku qaabiley Xubnaha Gudidda Doorashooyinka qaranka oo dalka ka qabtay doorashadii isku sidkanayd ee axsaabta ururrada, xisbiyada qaranka iyo madaxtooyada.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ugu horayn shaqadii iyo labadii doorasho ee u qabsoomay qaranka ku amaanay shacbiga Somaliland ugana mahad celiyey inay adduunka tuseen wacdaro iyo casharo hor leh, guddidii hawsha wadayna ay ku mahadsan yihiin.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Gudidda Doorashooyinka qaranka Somaliland inay ka dhabeeyeen riyadiisi ahayd in qarankani halkiisa ka sii wado dedaalada dimuquraadiyada ku salaysan ee doorashooyinka, si ay beesha caalamka u tusaan in qarankani u bisil yahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen Dalalka Caalamka ee la’aqoonsan yahay.

Dhinacooda waxa ay Guddida Doorashooyinka qaranku, Madaxweynaha ku boggaadiyeen sidii milkaha iyo sharafta lahayd ee uu ula shaqeeyey, kuna garab istaagay inay qabtaan shaqada baaxadaa leh, isla-markaana uu noqdo Madaxweynihii doorashada maalgeliyey bixiyeyna lacagta doorashada inteeda badan, taas oo ahayd geesinimo kale.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu Gudidda Doorashooyinka qaranka u rajeeyey shaqo wanaag iyo inay sidaasi isugu duubnaadaan inta ay shaqadan qaran hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here