Madaxweyne Biixi Oo Ka Qayb Gallay Xuska Aasaaska Ciidamadda Booliska

0
356

Hargaysa (HP): Waxaa maanta si weyn magaaladda Hargaysa iyo goboladda dalka qaarkood looga dabaal-degay xuska 28 guurrada ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliska Somaliland oo sanad kastaba 3-da bisha November la sameeyo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaana ka soo qayb galay xaflad balaadhan oo xuskaasi loogu dabaal degayay oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidamadda booliska Somaliland ee caasimadda Hargaysa.

Waxaana xuskaasi madaxweynaha kala qayb galay taliyaha ciidamadda booliska Somaliland guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-xigeenka golaha Wakiillada, madaxweyne-ku-xigeenno hore,  qaar ka mid ah golaha wasiirrada.

Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, hoggaanka xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, taliyayaasha Booliska ee dalka Jabuuti iyo dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, qaar ka mid ah la-taliyayaasha madaxweynaha qaranka.

Saraakiil kala duwan oo katirsan xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana munaasibadda si weyn  diiradda loogu saaray muhiimadda ay ciidanka Boolisku u leeyihiin qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyay munaasibadda xuska ah  ayaa hambalyeeyey ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskooda ba, dabaal-dega 28 guurrada ka soo wareegtay aasaaskoodda awgeed.

Waxaanu ku tilmaamay madaxweynuhu ciidamadda booliska naf-hureyaal dhiirran oo qarankooda u hurray naftooda, maalkooda, murruqooda iyo maalkoodaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa kaloo uu ka hadlay dhibaatada ay shacabku ku hayaan ciidankii iyaga ilaalintooda u taagnaa, in badan oo shaqo qaran ku jirteyna dano gaar ahaaneed loo laayay.

Isagoo na soo jeediyey in arrintaasi ay u baahan tahay wax ka qabasho deg deg ah si loo joojiyo dhibka ay boolisku kala kulmaan shacabka.

Waxaanu yidhi,“Waxaynu hambalyeynaynaa ciidanka booliska, in sannadkaa sannadkiisa ay ku gaadhaan Barwaaqo iyo bash-bash.

Waxaanay inoo tilmaameen dhibaatada ugu weyn ee haysataa inay tahay dilal badan oo ciidanka loo geystay, iyagoo ka shaqaynaya danta qaranka.

Taasoo u baahan in aynu qaran ahaan ka hawl-galno sidii aynu u yarayn lahayn dadka qaldan ee dagaal dantooda ah kala hor imanaya ciidanka booliska. Waa na arrin culayskeeda leh.”

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here