Madaxweyne Biixi oo ka digay heerka ay mareyso caadifada doorashooyinka

0
1743

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay heerka ay marayso caadifada doorashooyinka iyo xamaasadda oo sababay in ay dadka qaar ku kacaan ficilo gef ku ah amniga iyo nidaamka dumuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somliland ee la filayo innay dalka ka qabsoomaan 13 Nov 2024.

Madaxweyne Biixi, wuxuu ka digay dadka ficiladaa ku kacaya ee waxyeelada u geysnaya amniga qaranka iyo nidaamka doorashooyinka, kuwaas oo uu sheegay innay ku kaceen falal lid ku ah qaranimada, maadaama ay Boodhadhka Axsaabta iyo Ururada googoynayaan. sidaa awgeed wuxuu ku wargeliyay ciidamada Booliska iyo Hay’addaha amniga inay dadka ku kacaya falalkaa gacan bir ah ku qabtaan oo sharciga la horgeeyo.

“Waxaynu galnay xilli doorasho, waa in la fahmaa doorashooyinku waa nidaam aynu qaadanay, tartankuna maaha qabaa’il ee waa Axsaab iyo Ururo, waxayna doorashooyinku ka yihiin nidaamka aynu qaadanay ee dumuqraadiga ah, markaa macquul maaha wax la aqbali karana maaha in Boodhadhka Axsaabta iyo Ururrada ee lagu dhejiyay shaaracyada la googooyo, ma garanayno ma dad waalan baan kuwa waxaa samaynayaa, maaha dad Somaliland ah kuwa sidaa samaynayaa, waana innay ciidamada Booliska iyo Hay’addaha amnigu tallaabo sharci ah ka qaadaan.” ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka qaybgalay munaasibada xuska maalinta aasaaska Ciidamada Booliska Somaliland oo sanad walba la qaban jiray November, balse la soo qadimay sababaha xilliga kala guurka, iyadoo sanandkan la qabtay 20 Oct 1991, wuxuuna si gaar ah u soo qaatay ficiladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada caasimadda ee Hargeysa.

“Maalhan waxa bilaabmay in sawiradda Xisbiyada iyo Ururada dadka qaarkii jeex-jeexaan, maalin dhowayd Masalaha waxa ka dhacay in Sawirro Xisbiga WADDANI la jeex-jeexo, Booliska ayaa soo qabtay Laba Nin oo falkaa geystay, waxaana lagu xukumay sannad iyo dheeraad, Xalay waxa la googooyay Boodhadhka sawirrada Xisbiga WADDANI iyo Ururka KAAH, waana wax lala yaabo in ficilada noocaas ah ay dhacaan, Boolisku waa innay cid walba oo fal noocaas ah oo waxyeelo ku ah Axsaabta iyo Ururada soo qabtaan oo sharciga horgeeyaan.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, isagoo sidoo kale ka hadlay su’aalaha ka dhalan kara dadka ficilada sidaa ah ku kacaya.

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale, ka hadlay xaammaasada doorashada iyo qabyaalada kuwa ka wada baraha Bulshada, kuwaas oo uu sheegay in loo baahan yahay innay ka fogaadaan qabyaalada iyo kicinta ay ka wadaan baraha Bulshada ee abuuraya nacaybka iyo kala qaybinta Bulshada.

Wuxuuna baaq u soo jeediyay axsaabta qaranka iyo ururrada siyaasadda ee ku tartamaya doorashooyinka iyo guud ahaan Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here