Madaxweyne Biixi oo gaadhay degmada Baki ee gobolka Awdal

0
1062

Baki (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii balaadhanaa ee oo uu hoggaaminayay, ayaa maanta gaadhay degmada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayaan xubno ka mid ah xukuumaddisa, ayaa soo dhawayn kala kulmay shacabka degmada Baki.

Soo dhawaynta kadib, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay shacabka degmada Baki ee soo dhaweeyay.

Sidoo kale, Madaxwaynaha Somaliland, ayaa kormeeray dhismaha mashruuca waddada isku xidhaysa magaalada Borama Iyo degmada Baki.

Madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu degmada Baki ka dhagax dhigo, xadhigana ka jaro mashruuco horumarineed oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada.

Muuqaalka soo dhaweynta Madaxweynaha

Muuqaalka khudbada Madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here