Madaxweyne Biixi Oo Furay Xarunta Maaraynta Biyaha Dhulka Hoostiisa+Sawirro

0
470

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee maaraynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada oo ay hirgelisay wakaallada biyaha Hargeysa.
Munaasibadda xadhig-ka-jarista xaruntan cusub, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, safiirro, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyey horumarka wakaallada biyaha Hargeysa, waxana uu tilmaamay inay wakaalladdu gaadhay marxalad aad muhiim ah, kana faa’iidaysatay lacagihii ay yaraa ee ay bulshada ka qaaddday.
Waxaanu madaxweynuhu ku tilmaamay haayad u qalanta inay higsadaan hay’adaha kale ee qaranku leeyahay.
Madaxweynuhu waxa uu si guud u bogaadiyey shaqaalaha wakaalladda biyaha, maareeyahooda iyo cid kasta oo gacan ka geysatay inay wakaalladdu horumarkaas samayso.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu hormeer kooban ku sameeyey agabka iyo gaadiidka kala duwan ee ay wakaalladdu dhawaan soo iibsatay iyo dhismaha loo bineeyey inuu xarun u noqdo maaraynta iyo deraasadaynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada.
isagoona bulshadana usoo jeediyey inay ku dedaalaan sidii loo qabsan lahaa biyaha roobka ee badda galaya, si looga badbaado biyo yaraanta iyo abaarta soo noqnoqota ee dalka ka jirta.
DAAWO: Madaxweyne Biixi Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey guusha ay gaadhay wakaalladda biyaha Hargeysa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in markasta oo cashuurta la tashiilo horumarkaas iyo mid la mid ahba la gaadhayo.

Maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood oo madasha hadalkeeda daah-furay, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee ay wakaalladu usoo maratay horumarka ay haatan gaadhay.

Waxaanu caddeeyey in dhammaan agabka qaaliga ah ee ay wakaalladu soo bandhigay laga soo iibiyey cashuurta muwaaddiniinta, islamarkaana aanay jirin dawlad shisheeye oo gacan inaga siisay.

Geesta kale Ergeyga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna dhankeeda sharraxday muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin nolosha, waxana ay maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa iyo madaxweynahaba ku ammaantay sida ay ugu hagar baxeen horumarka ay wakaalladu gaadhay iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay caasimaddu u heli lahayd biyo ku filan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here