Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxaa uu taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa kala qayb galay isu soo baxa ololaha dorashada ee fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland oo khudbad u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa uga mahadceliyey sida ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Waxaanu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE in sida ay ugu midaysan yihiin isu soo baxooda ay ugu midoobaan bixinta codkooda maalinta sanaaduuqda la gaadho.
Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaca kale eedayn culus u jeediyay Musharaxa xisbiga Waddani, isagoona ku eedeeyay in uu ceeb iyo dambi u haysto ninka dalka u soo dagaalamay.
Waxaa uu sidoo kale Madaxweyne Biixi oo sheegay in natiijadda ka soo baxda Komishanka Doorashooyinka la aqbalo.