Madaxweyne Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay magaalada Balligubadle

0
1404

Balligubadle (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Bulshada ku dhaqan magaalada Balli-gubadle oo ay hormuud u yihiin madaxda xukuumadda u qaabilsan degmada iyo gobolka, hoggaanka dhaqanka, xildhibaannada, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca waqooyi ee magaalada.

Waxana uu madaxweynaha waddada weyn ee badhtamaha magaalada kula qaatay socod lug ah oo daqiiqado qaatay.

Goob fagaare ah ayey madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee socdaalkiisa ku wehelinayaa kala hadleen bulshada reer Balligubadle ee sida milgaha iyo maamuuska leh usoo dhaweysay, waxana ugu horrayn halkaas ka hadlay guddoonka gobolka, maayarka degmada, xildhibaanno, Salaadiin, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo gobolka Hawd kasoo jeeda, kuwaas oo si weyn usoo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, kuna dheeraaday waxqabadka baaxadda leh ee xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hirgelisay deegaanka.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada reer Balligubadle uga mahadnaqay sida maamuuska leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana ay sharraxeen sida ay weligeedba bulshadaasi caanka ugu ahayd soo dhaweynta iyo martisoorka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda, ayaa u mahadnaqay shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Hawd.

Waxana si gaar ah diirradda u saaray waqtiyadii halganka dibu xoraynta dalka ee uu ka midka ahaa mujaahidiintii xoraynta dalka isu xilqaantay oo ay deggenaayeen gobolkan iyo gobonnimadii ay bulshadani caanka ku ahayd weligeedba.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in maanta Xukuumadda, Xisbiyada iyo Baarlamaanku ay u midaysanyihiin difaaca qaranka Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here