Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo Kulan Xaasaasi Ah Yeeshay

0
1572

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland, ayaa kulan xaasaasi ah goordhawayd ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Kulankan oo ahaa mid saddex goosaad ah, ayaa lagaga heshiiyeeyay aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala aragti duwanaa, waxaana kulankan saddex geesoodka ah la iskula qaatey in si mid ah loo Wadda xuso maalinta Qarannimadda Somaliland ee 18 may sannad guuradeeda 31-aad.

Waxaa kulankan la iskula afgartey in kulan danbe la isugu yimaado kaas oo laga arrinsanyo doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ahna Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga külmiye, ayaa ka war-bixiyay is fahanka kulankan laga gaadhey.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay masuuliyiin isugu jira Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna sheegay in guul laga gaadhey kulankan, dhinaca kale, Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiirnimo soo qabtey ayaa kulankan hadalo ku taxaluqa kulanka iyo ahmiyadiisa halkaasi ka jeediyey.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in meel looga soo wada jeedo qarannimada Somaliland, waxaana kulanka ka soo qaybgalay labada gudoomiye Xisbi Mucaarad, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here