Madaxweyne Biixi: “Cidda Dalka Dhibaatada Ku Abuuraysaa Waa Cadowga Somaliland”

0
2502

Berbera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay xaaladda nabadgelyo-darro ee ka soo xusboonaatay dalka, gaar ahaan deegaanka Go’da-weyn oo ka tirsan Gobolka Saaxil, halkaas oo ay isku urursadeen Dabley hubaysan oo dagaal kula jirta Qaranimada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad uu ku dhagax-dhigay qaybo cusub oo lagu soo kordhinayo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, wuxuu sheegay in qaranka Somaliland meel uga soo wada-jeedo lana dagaalamayo cid kasta oo halis ku ah ammaanka dalka.

Waxana uu tilmaamay inay ka dowlad ahaan amniga shirkadda iyo dhaqaalahoodaba ballan qaadayaan, waxana uu yidhi,“Somaliland waxa ay shirkadda Trafigura u ballan qaadaysaa nabadgelyo, wada-shaqayn iyo horumar, dhaqaalahooda, dadkooda iyo qalabkooduna ay ammaan ku noqonayaan Somaliland.”

Madaxweynuhu waxaa uu khudbaddiisa ku soo qaatay shaqsiyaad isku dayaya inay amniga iyo wada-jirka ummadda khalkhalgeliyaan, waxana uu tilmaamay in cadowga Somaliland isu soo bahaystay suurad-xumaynta dalka, balse ay shacabku arrintaas kaga jiraan feejignaan dheeraad ah.

“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira, aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya inaanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin, waxanse ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu u mahadnaqay shirkadaha waaweyn ee dalka oo uu sheegay in maalgashiga ay gudaha ku sameeyeen soo jiidatay maalgashi dibadeed oo ay dalka ku yimaaddeen shirkado caalami ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here