Dagaal Xoogan oo Ka Qarxay Caasimadda Libya

0
578

Tripoli (Hargeisa Press)- Caasimadda Libya, ayaa waxaa ruxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya laba kooxood oo hubeysan oo ku xidhan dowladda fadhiggeedu yahay Tripoli, kaasi oo hakiyay duulimaadyadii garoonka kaliya ee diyaaradaha rayidka ee magaalada.

Dagaalka oo u dhaxeeya Guutada 444 iyo Xoogagga Al-Radac, ayaa qarxay habeenkii Isniinta, wuxuuna sii socday illaa subaxii Salaasada maanta, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

“Isku dhacyada ayaa saameeyay deegaano dhowr ah oo ka mid ah duleedka bari ee Tripoli, gaar ahaan Cayn Zara ee koonfurta Tripoli, halkaasi oo ay isku dab saareen Guutada 444 iyo Al-Radac,” waxaa sidaas AFP u sheegay sarkaal codsaday inaan la magacaabin.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo mas’uuliyiinta ay sheegeen inuu sababay “xidhitaanka waddooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha ee Mitiga.”

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay gawaadhida gaashaamaan oo ku sugan bariga Tripoli, kadib markii taliye ka tirsan Guutada 444 Mahmud Hamza lagu xidhay garoonka diyaaradaha Mitiga, halkaasi oo ay maamulaan Xoogagga Al-Radac.

“Xiisaddu waxay durba kacday” waxyar kadib markii lagu dhawaaqay in “Al-Radac ay xidheen madaxii Guutada 444 iyaga oo aan sheegin inuu ahaa amar garsoor ama sababo kale,” ayuu yidhi sarkaalku.

Qiiq, ayaa laga arkayay hawada Tripoli, sidoo kale rasaas xooggan ayaa ka dhaceysay xaafadaha qaar.

Duulimaayadii garoonka Mitiga, ayaa la hakiyay, waxaana loo wareejiyay garoonka Misrata oo 180 km bari ka xiga Tripoli. Sidoo kale, diyaaradihii fadhiyay garoonka ayaa laga dhaqaajiyay.

Libya, ayaa waxaa la degay kala qeybsanaan iyo kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda oo marba dhinac ku xidhma, tan iyo 2011 markii la afgambiyay madaxweyne Mucamar Qadaafi.

Guutada 444 waxay ku xidhan tahay wasaaradda gaashaandhigga, waxayna sumcad ku leedahay inay tahay midda ugu edabta badan dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Waxay maamushaa duleedka bari ee Tripoli iyo sidoo kale magaalooyinka Tarhuna iyo Bani Walid, iyada oo sugta amniga waddooyinka caasimadda ku xidha koonfurta dalka.

Xoogagga Al-Radac, oo uu u taliyo Abdel Rauf Karah, ayaa ah maleeshiyo awood badan oo qabata shaqada boolis ee Tripoli, waxayna xidhaa dambiilayaasha iyo jihaadiyiinta la tuhunsan yahay.

Waxay sheegtaa inay ka madax banaan tahay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo difaaca, waxayna maamushaa bartamaha iyo bariga Tripoli, iyo garoonka diyaaradaha rayidka ee Mitiga, saldhigga ciidamada cirka ee Mitiga iyo xabsiga magaalada.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here