Hargaysa (HP): Ugaas Cabdiraaq Koosaar Cali, oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilaamay mooshinkii golaha Wakiiladu ay ku laaleen heshiishka shirkada Somcable.
Maadaama oo ay hore golaha Wakiiladda Somaliland u meel mariyeen xeerkaasi oo Somcable gaar uga dhigayay keenista xadhiga Fiber Optic.
Ugaas cabdirasaaq, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa ayaa madaxwayne Biixi, ku eedeeyay in uu isagu ka danbeeyay mooshinkaasi.
Waxaanu sheegay in aanu golaha marin wax aanay madaxtooyadu doonaynin.
Sidoo kale ugaaska ayaa sheegay in ganacsade Maxamed Aw Siciid, uu ka mid yahay muwaadiniinta reer Somaliland ee dalka maalgashiga balaadhan ku sameeyay.
Xukuumada iyo qaranka-na ay ceeb ku tahay jebinta heshiishkii hore loola galay shirkadda Somcable.
Halkan ka Daawo Ugaaska Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:
https://youtu.be/MgJ2TOR49mw
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.