Hargaysa (HP): Suldaanka ka mida madax dhaqameedka Somaliland ayaa golaha Wakiiladda ku dhaliilay golaha Wakiiladda Somaliland wax ka bedelkii ay ku dhawaan ku sameeyeen xeerka isgaadhsiinta Somaliland.
Waxaanu ku eedeeyay xildhibaanadda golaha Wakiiladda in goโaankaasi ay sameeyeen uu dhibaato ku keenayo dalka, isagoona ugu baaqay in ay goโaamadoodda ka ilaaliyaan caadifadda.
Suldaanku waxa kaloo uu sheegay in arrintaasi dhibaato ku keenayso dalka in maalgashadeyaasha shisheeye ay shaki ka qaadayaan in ay dalka ku aaminaan hantidoodda.
Maadaama oo muwaadinkii u dhashay ay kala kulmayaan hagar-daamooyin iyo in la buriyo waxyaabihii ay xukuumadda kula heshiiyeen.
Suldaanka oo maanta shir jaraaโid ku qabtay magaaladda Hargaysa ayaa ka hadlay saddex qodob oo la xidhiidhay tallaabadii ay golaha Wakiiladu ku jebiyeen xeerkii kootadda ugu xidhayay keenista xadhiga Internet-ka.
Halkan ka Daawo Shirka Jaraaโid Ee Suldaanka:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.