Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefdi Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Dalka Tanzania

0
620

Arusha (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaaladda Caruusha ee dalja Tanzania.

Wefdigan Xasan Sheekh, oo saaka ka amba baxay magaaladda Muqdisho, ayaa dalka Tanzania kaga qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.

Waxaana la filayaa jn madaxweynaha Soomaaliya, uu madaxda dalalkaasi uga warbixin doono fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka wax soo saarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliya.

Wefdigan madaxweynaha Soomaaliya, ayaa markii ay ka degeen magaaladda Arusha ee caasimadda dalka Tansaaniya, waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Tanzania Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan dalka Tanzania.

Xasan Sheekh, ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC. Isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya ee dalladda, iyo guud ahaan fursadaha maalgashi iyo wax soo saarka Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC)” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Geesta kale, warkaasi ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay sanadkii 2016-kii gudbisay codsi ay ku dal-bqnaysay ka mid noqoshada dallada EAC. Dalladaasi oo ay ku midaysan yihiin todoba dal oo dhamaantoodba Afrikaan ah.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Villa Somalia, oo arrintaasi lagaga hadlayayna waxa lagu yidhi, “Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya. Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliya, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka”.ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here