Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhigyada Ciidamada Liyuu Booliska

0
713

Bakool (Hargeisa Pres) – Ururka Alshabaab, ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Saldhigyadaasi ay Al-Shabaab weerareen, ayaa kala ah Aato iyo Yeed ee gobolka Bakool, Soomaaliya, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad shan saacadood.

Wararka laga helayo halkaasi, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegtay saldhigyadii halkaasi ku yaallay, sidoo kale waxaa jira dhaawac iyo dhimasho uu weerarku sababay.

Magaalooyinkan uu weerarku ka dhacay, ayaa ah kuwo ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaasi oo gacanta ugu jira ciidamada Liyuu Boolis-ka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maaha markii u horreysay oo Al-shabaab weerar noocan ah ay ku qaadaan deegaannadan, balse sanandkii 2014kii ayay sidan oo kale weerar dhimasho badan sababay ku qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here