Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay degmada Allaybaday

0
1079

Allaybaday (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo muddooyinkanba safar shaqo ku marayey gobollada galbeedka dalka, ayaa maanta gaadhay degmada Allaybaday.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Allaybaday, iyadoona soo dhawayntiisa aan loo kala hadhin.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Allaybaday, cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahan, dhallinyaro iyo haween, ayaa Madaxweynaha weftigiisa si heer sare ah u soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu soo dhaweynta kadib, uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Dadweynaha reer Allaybaday.

Hoos ka daawo muuqaalka soo dhaweynta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here