Madaxweynaha Somaliland oo Taageerayaasha KULMIYE ee Hargeysa kala qaybgalay dhoolatuska ololaha

0
1802

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka waxaa uu kumannaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa kala qayb galay isu soo baxa ololaha dorashada ee xisbiga ee maalintiisii u dambaysay.

Madaxweynaha, ayaa waxaa isu soo baxyada kala qaybgalay, xubno ka mid ah golaha Wasiirrada xukuumadda, xildhibaanno, madax-dhaqameed, hoggaanka ololaha xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobolka Maroodi-jeex, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, haween iyo haldoor kale.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa.

Waxana uu Madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyey sida ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Waxaanu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE in sida ay ugu midaysan yihiin isu soo baxooda ay ugu midoobaan bixinta codkooda maalinta sanaaduuqda la gaadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here