Darar-weyne (HP): Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta u soo xidhay dufcaddii saddexaad ee barnaamijka carbiska shaqo qaran oo ku jiray xarunta dugsiga tababarka ee Dararweyne oo dhinaca waqooyi-barri kaga beegan caasimadda Hargeysa.
Munaasibadda lagu soo xidhayey tababarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, xubno kamid ah golaha wasiirrada, macallimiintooda iyo hal-door kale oo bulshada ka mid ah.
Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn halkaas salaam kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka, waxana uu indho indheeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay halkaas ku soo bandhigeen dufcada maanta qalinjebisay.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey, soona xidhay dufcadii saddexaad ee Shaqo qaran oo maanta ka qalinjebisay kulliyadda Shaqo Qaran, waxana uu kula dardaarmay inay wanaagga u hiiliyaan, kana hortagaan wax kasta oo dalkooda iyo dadkoodaba wax yeelaya.
Waxaanu yidhi,“Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa shaqo qaran, agaasimahooda iyo intii tababartay, Ardayda maanta qalinjebinaysa hambalyo, dardaarankeennu waa wixii wanaag ah oo aad u hiilisaan, wixii xumaan ah oo aad ka hortagtaan iyo dalkiinna oo aad u hiilisaan.”
Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), oo munaasibadda furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay kulliyaddu soo martay, waxana uu tilmaamay inay maamul ahaan iyo qaran ahaanba loo hagar baxay dhallinyarada maanta qalinjebinaysa, islamarkaana ay kalsooni badan ku qabaan in midhahaasi ay qaranka anfici doonaan.
Sidoo kale maayarka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Aadan Digaale oo kamid ah dufcaddii labaad ee Ardayda Shaqo Qaran oo halkaas kelmado kooban ka jeediyey.
Waxaanu ka sheekeeyey casharradii dhaxalgalka ahaa ee uu ka bartay kulliyadda iyo sida ay qaybta uga qaadatay horumarkiisa.isagoona sheegay inuu tusaale nool u yahay inay dhallinyarada Shaqo Qaran mustaqbal ifaya leeyihiin.
Geesta kale wasiirrada wasaaradaha Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Mustafe Maxamed Cali Bille oo hadalka u kala dambeeyey.
Kuwaasoo bogaadiyey da’yarta maanta ka Aflaxday kulliyadda carbiska ee Dararweyne, waxana ay kula dardaarmeen inay weeleeyaan duruusta waddaniyaddu ugu weynayd ee la baray muddadii ay halkaas ku jireen, dadkooda iyo dalkoodana uga faa’iideeyaan.
Dhinaca kale, waxaa iyagna halkaasi hadalo ka jeediyay Taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, guddoomiyeyaasha Jaamacadaha, Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo Hargeysa, Prof. Maxamed Yuusuf.
Waxaanay wax lagu farxo ku tilmaamay in dhallinyaro aqoonyahanno ah oo waddaniyad iyo xirfado ku hubaysani markii saddexaad ka aflaxaan Barnaamijka Shaqo Qaran oo foolaad u ah himilooyinkii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.