Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub

0
446

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayay safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann.
Safiirka waxaa socdaalkiisa ku wehelinayay Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Somaliland ee Hargaysa waxaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Jamhuuriyadda Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika.
Si gaar ahna Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub.


Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille.


ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here