Madaxweynaha Somaliland oo Khudbad-sannadeedka Dastuuriga U Jeedin Doona Baarlamaanka

0
2429

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu maalinta Axadda ee toddobaadka dambe uu khudbad sannadeedkiisa dastuuriga ah u jeedin doonaa labada gole qaran ee Guurtida iyo Wakiillada.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo maanta ka soo baxay xarunta aqalka golaha Guurtida Somaliland.

Xildhibaanada labada gole, ayaa sidoo kale waxaa lagu wargeilyay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qudbad sannadeedkii ka hor jeedin doono golayaasha qaranka.

Xildhibaanada, ayaa lagu adkeeyay in maalinta Axada ay sagaalka subaxnimo ay ka soo xadiran xarunta golaha Baarlamaanka.

Dhinaca kale, bayaan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo fulinaya qodobka 46aad farqadiisa 4aad ee dastuurka Somaliland uu soo jeedinayaa in maalinta Axada ah ee 9/6/2024 uu khudbad sannadeedka dastuuriga ah u jeedin doono Baarlamaanka.

Bayaanka oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana loo diray labada gole, ayaa lagu yidhi, “Sidaasi darteed waxaan idinka rajaynayaa in kulan wadajir ah ugu yeedhi doontaan Xildhibaanada labada gole Baarlamaan”.

Khudbada sannadka Madaxweynaha Somaliland ka jeedin doono Baarlamaanka, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la sheegay in Baarlamaanku aanu muddo laba bilood ah wax mushahar ah qaadan khilaafka Wakiillada iyo Madaxtooyada awgeed, kaasi oo salka ku haya odorooska miisaaniyadda.

Geesta kale, Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif, ayaa meesha ka saaray in Xildhibaanada golaha Wakiilladu mushahar la’aan yihiin.

Cabdikariin Xinif, ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada golaha Wakiilladu ay saddex sanno sii qadinteen mushaharkooda.

Guddoomiyaha, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Xildhibaanada Wakiilladu ay Baanka Dhexe ee Somaliland ay ka qaateen mushaharaadka ay sii qadinteen saddexda sanno.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Madaxweynaha iyo Golaha Baarlamaaka?

Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la sheegay in aanay wax mushahar ah qaadan bilihii aynu soo dhaafnay ee April iyo May, xilli ay Golaha hortaallo miisaanniyad sannadeedkiii 2024 ka oo madaxweynuhu uu dib Golaha ugu soo celiyey.

Is af-garawaaaga soo kala dhex galay golaha Wakiillada iyo Xukuumadda oo la xidhiidha odoroska Miisaaniyadda, ayaa sababay in fadhiyadii Golahu kooram la’aan u furmi wayo.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxka bedel ku sameeyay odorooska miisaaniyadda ee ay soo gudbisay Xukuumaddu, iyadoona madaxweyne Biixi uu dib ugu soo celiyay golaha Wakiillada, isagoo amray in lagu sii dhaqmo miisaaniyaddii hore ee sannadkii 2023-kii.

Golaha Wakiillada, ayaa guddi ka kooban 15 xubnood u saaray in arrintan cakiran ee u dhaxaysa Xukuumadda iyo golaha Wakiillada ee la xidhiidha miisaaniyadda ay ka soo talo bixiyaan, kuwaas oo aan illaa iyo hada ka soo saarin wax natiija ah.

Golaha Wakiillada, ayaa la sheegay in ay sameeyeen awood dheeraada oo ah qaabka ay wax uga badaleen miisaaniyadda ay xukuumaddu u soo gudbisay, taasi oo ay talaabooyinka ay  qaadeen meelaha qaar khilaafaysay sharciga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Golaha Wakiillada ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.

Eedeynta Biixi, ayaa timid kadib markii muddo Golaha Wakiillada uu horyaallo miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.

Golaha oo hore u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.

Madaxweyne Biixi, ayaa tilmaamay in goluhu aanu awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore ku soo meel-mariyaan.

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha Wakiillada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay in uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo Goluhu dhinacyo kale ay ugu dareen miisaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here