Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan hadhimo-sharafeed ah ku casuumay xubno kamid ah bulshada aragga naafada ka ee ku dhaqan dalka Somaliland.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada ayay ujeeddadiisu ahayd sidii ay madaxweynaha iyo xubnaha dadka aragga naafada ka ahi si saraaxad leh isugu xog waraysan lahaayeen.
Waxaanu madaxweynuhu raalli gelin kaga bixinayay cabasho ay dadkani ka muujiyeen munaasibad ay ku xusayeen maalinta wacyigelinta USHA CAD ee adduunka oo aanay kala soo qaybgelin munaasibad ay ku casuumeen.
Muuse Biixi Cabdi, oo kulanka soo gebogebaayey, ayaa soo dhaweeyey dadka aragga naafada ka ah ee uu casuumay.
Waxaanu tilmaamay in kulankani yahay mid uu kaga falcelinayo cabasho ay dadka naafada aragga ka ahi ka muujiyeen munaasibad ay ka maqnaadeen masuuliyiintii ay soo casuumeen, isagoona si buuxda arrintaas uga raalligeliyey.
DAAWO: Hadalkii Madaxweyne Biixi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Offie.