Wasiirka Caafimaadka Oo Qalab Ku Wareejiyay Cusbitaalka Burco

0
340

Burco (HP): Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyay cusbitaalka Burco, halka uu sidoo kalena qalab cusub ku wareejiyay maamulka cusbitaalka Burc.

Wasiir Xasan Gaafaadhi, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maalmahanba waxay kormeer ku marayeen deegaamadda goboladda barriga dalka.

Waxaanay wasiirka iyo agaasimaha guud soo kormeereen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee magaaladda Burco, iyadoona ay halkaasi waarbixino la xidhiidha xaaladaha cusbitaalka ku siiyeen maamulka dhakhtarku.

Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa ku amaanay maamulka cusbitaalka Burco sida wanaagsan ee ay u maamuleen hawlaha shaqo ee dhakhtarka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan soo arko shaqadda wanaagsan, ee  ka socota cusbitaalka degmadda Burco. Waxaanu soo marnay qaybta shaybaadhka cusub, oo ah shaybaadh aad iyo aad u casri ah.

Kaasoo si wanaagsan loo kala qaybiyay, loona qorsheeyay sida uu u shaqaynayo.

Waxaan rabnaa saaka in aanu ku wareejino qalabkani kala duwan agaasimaha cusbitaalka Burco.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo isna wasiirka kormeerkaasi ku wehelinaya ayaa sheegay in cusbitaalka Burco uu yahay ka labaad ee tiradda ugu badan ee bukaabo ah baadha dalkoo dhan.

Iyadoo cusbitaalka Burco uu daaweeyo ama baadho maalin kasta dad aad u fara badan, isla markaana ay yaalaan hadda qalabka lagu baadho iyo kuwa lagaga hor taggo xanuunka Covid-19.

Dhinaca kale maamulka cusbitaalka guud ee Burco ayaa wasiirka iyo agaasimaha guud uga mahad celiyay agabka ay soo gaadhsiiyeen cusbitaalka, iyo sidoo kale kormeerka ay ku soo mareen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka.

 

 

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY