Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey ee maalmihii u danbeeyey safarka shaqo ku joogay dalka Qatar, ayaa galabta ku soo guryo-noqday dalka.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo masuuliyiinta kale ee Xukuumadda.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Qatar, ayaa waxa uu salka ku hayey Istiraatiijiyadda guud ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee ku salaysan furitaanka albaabo sannado badan ka xidhnaa Somaliland.
Sida oo kale, safarka shaqo ee ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku tageen dalka Qatar waxa uu ku salaysnaa xoojinta iyo dardargelinta xidhiidhka Diblomaasiyadeed, ka wada shaqaynta arrimaha Amniga Gobolka iyo marrinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo ka Amni, iyo ballaadhinta saameynta ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Beesha Caalamiga.
Muddadii ay Madaxweynaha iyo wefdigiisu ku guda jireen safarka dalka Qatar, waxa ay yeesheen kulamo badan oo heer sare ah, kuwaasi oo diiradda lagu saaray iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.
Kulammadaasi waxa ay ahaayeen kuwo Dawli ah, kuwo Diblomaasiyadeed, kuwo ganacsi iyo maalgashi, kuwo la xidhiidha xagga horumarka bulshada iyo arrimaha bini’aadannimada, kulamo ku saabsan adkaynta xidhiidhka diimeed, samafalka iyo horumarka ruuxiga ah.
Guntii iyo gabagabadii, safarka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Qatar waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana furay albaabo cusub oo ku dhisan, wada-shaqayn, dano-wadaag iyo is-aamin.