Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo u ambo-baxay gobolada galbeedka

0
1552

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaninayo, ayaa saaka safar shaqo ugu baxay Gobolada Galbeedka dalka Somaliland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalooyinka, Abaarso, Arabsiyo, Gabiley iyo Dila.

Weftiga Madaxweynaha, ayaa waxaa uu safarkoodu ku wajahan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaasi oo uu kaga qayb geli doono qalin-jebinta Jaamacadda Camuud.

Madaxweynaha, ayaa muddada uu ku suvan yahay magaalada Boorama, waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kula duwan ee bulshada, madaxda-dhaqanka iyo haldoorka gobolka.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale magaalada Boorama ka daah-furi doona mashaariico horumarineed oo laga hirgeliyey magaalada, isagoona ka dhagax dhigi doona mashaariico kale.

Sidii loogu soo dhaweeyay Gabiley

Sidii loogu soo dhawayay Dila

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here