Madaxweynaha Mareykanka oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis u Xidhnaa Dambiyo Daroogo

0
942

Washington, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Maraykanka, Barack H. Obama ayaa Cafis u fidiyay 46 Maxbuus oo u xirnaa falal dambiyeedyo la xidhiidha Maandooriyaha kuwaa oo muddo dheer ku xirnaa dalka Maraykanka.

Barack Obama sheegay in Maxaabiista la siinayo fursad labaad oo ay noloshooda wax uga bedelaan. Iyadoo Xukuumadda Washington ay Xabsiyada kaga baxdo sanad walba lacag gaaraysa 80-bilyan oo Doollar.

Sidoo kale, Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbedel lagu sameeyo Garsoorka dalka Maraykanka oo xabsiyo dheer ku rida dadka lagu qabto falalka la xidhiidha Daraagiska, isagoo arrintan ku tilmaamay sharuuc duqowday oo u baahan in wax laga bedalo.

Xabsiyada Maraykanka ayaa waxaa buux-dhaafiyay Dad lagu soo Qabto dambiyo fudud, kuwaasoo u badan dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaan Madowga oo inta badan xabsi dheer ku muteysta dambiyo fudud.

Madaxweyne barack obama
Madaxweyne barack obama

Obama ayaa dhawaan Shaacinaya isbedal lagu Sameynayo Hanaanka Garsoorka Wadanka Maraykanka, iyadoo lagu wadaa in maalinta Khamiista ah ee soo socota uu booqdo mid ka mid ah Xabsiyada Maraykanka, isagoo Moqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey oo Maraykanka oo booqda Xabsi.
Ugu dambeyn, Tan iyo Sannadkii 2014-kii ayaa ayuu Madaxweyne Barack Obama Cafis Madaxweyne kusii daayay maxaabiis gaadhaysa 89-ruux oo loo xidhxidhay dambiyo Fudud.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here