Madaxweynaha Jabuuti Oo Xadhiga Ka Jaray Wershadda Sifaynta Biyaha Badda

0
616

Jabuuti (HP): Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta xadhiga ka jaray Wershad sifaynaysa biyaha Badda oo laga hirgeliyay deegaanka Daaroole.


Wershadaasi ayaa biyaha Badda u bedelaysa macaan la cabi karro, taasoo dhismaheedu socday muddo 38 bilood ah.
Waxaa iska kaashaday dhismaha weeshadaasi dawladda Jabuuti iyo ururka midawga Yurub.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo hadal ka jeediyay furitaanka Wershadaasi ayaa soo dhaweeyay hirgelinta wershadan lagu sifaynayo biyaha Badda.
“Waan soo dhawaynayaa hirgelinta wershadani. Waxaanay wax ka taraysaa magaalooyinka ay ka jirto biyo yaraantu, gaar ahaana xiliga Xaggaaga ah”.


Wershadaasi ayaa hada soo saari karto biyo dhan 22 MC oo biyo macaan ah. Iyadoo qorshuhu yahay in si dhakhso ah loo gaadhsiiyo xadiga loogu tallo galay in ay soo saaryo oo ah 45 MC.
Hirgelinta wershadani ayaa qayb ka ah siyaasada xukuumadda ee ku aadan sidii bulshadda Jabuuti ay heli lahaayeen biyo macaan.


Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu sharaxay faa’iidadda ay bulshadda u leedahay wershadan soo saaraysa biyaha macaan oo noqonaysa tii u horaysay oo laga hirgeliyo dalka Jabuuti.
Taasoo qayb ka ah qorshaha dawladda ee ah in ku dedaasho sidii ay dadku mustaqbalka in ay helaan biyo ku filan oo macaan maalin walba.


“Waxay ka mid tahay tallaabooyinka aan ku kobcinayno horumarka wadankeena ee la xidhiidha xoojinta qaybaha kala duwan ee mashaariicda” ayuu yidhi Geelle.
Madaxweynuhu waxa kaloo uu sheegay mashruucani uu soo jiidanayo indhaha maalgashadeyaasha.
Waxaanu yidhi, “Mashruucani wuxuu inoo soo jiidayaa maalgashiyo cusub iyo ikhtiraaca fikrado cusub oo beri ka abuurma wadankeena, oo taageerro u noqonaya koritaanka dhaqaalaha wadankeena, ee dhamaanba adeegyadda iyo in ay wada gaadho gobolka”.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa u mahad celiyay shirkadaha gacanta ka gaystay dhismaha wershadaasi.
Geesta kale madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay maamulka wershadaasi in ay masuuliyad iska saaraan mashruucaasi. “Wax soo saarku wuu fiican yahay. In si wanaagsan loo maamulaana way ka sii wanaagsan tahay.
Waa in aan biyaha la khasaarinin, ee xataa la bad-baadiyo MC kasta” ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here