Djibouti (Hargeisapress)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliya iyo dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid guddoomiyehii gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.
“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid guddoomiyihii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa dowladda federaalka oo uu u horreeyo madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Maxaweyne Geelle.
“Haddaan nahay walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yidhi qoraalka.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka Banaadir.
WARIYE: XAMSE JIRDE
HARGEISA PRESS.COM
OFFICE HARGEISA