Burco (HP): Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta safar shaqo ku tegay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waxaana weftiga madaxweyne ku-xigeenka soo dhaweeyay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, masuuliyiin iyo dadweyne qaybaha kala duwan bulshadda ah.
Madaxweyne ku-xigeenka waxaa safarkaasi ku wehelinaya wasiirrada waxbarashadda, shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda iyo masuuliyiin kale.
U jeedadda socdaalka wefti uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo ayaa la xidhiidha sidii ay dadweynaha magaaladda Burco ugala qayb geli lahaayeen xuska munaasibadda 26-ka June ee caawa, sida uu sheegay C/raxmaan Saylici, oo soo dhawaynta kadib halkaas ka hadlay.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.