Madaxwayne Siilaanyo Oo Safar Ugu Baxaya Dalka Dibaddiisa+Halka Uu Tagayo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
1433

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo safar gaar ah ugu baxay dalka Ingiriiska Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/02/2017, waxa safarka madaxweynaha ku wehelinaayey Marwada Koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Cali Axmed Cali, safarka oo lagu wado inuu muddo laba todobaadka ah qaato ayaa saxaafada waxa uga warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr).

Dhinaca kale wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudnae Maxamed Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Amb. Baashe Cawil Cumar iyo Amb. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay u tageen hawlo shaqo oo la xidhiidha heshiiskii Dekeda Berbera ee DP World.

Daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here