Burco,(HargeisaPress) — Wararka saaka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu saaka kasoo jihaystay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer isaga oo usoo dhaqaaqay dhankaa iyo magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxa badiba ka hadhay sida naloo sheegay waftii wasiirada ahaa ee socdaalkiisa ku wahelinayey kuwaas oo kaga hadhay magaalada Burco,waxaana isagu uu dib ugu soo guryo noqonayaa saacadaha soo socda magaalada Hargeysa.
Ilaa hadda si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in madaxwayne Siilaanyo sidaa dhakhsaha ah dib uga soo jeesto safarkiisii ku astaysnaa inuu ku tago gobolada bariga Somaliland isaga oo safarkiisi ku koobnaaaday oo kaliya gobolada Saaxil iyo Togdheer.
Gabagabadiina bulshada reer Somaliland ayaa iyagu iswaydiinaya sababta keentay in uu is badalo safarkii madaxwayne Siilaanyo ee uu ku tagayey gobolada Bariga Somaliland kaas oo ay madaxtooyadu hore u Sheegtay in uu safarkan salka ku hayo xog ogaal u noqoshada xaaladda dad iyo duunyo ee deegaanada gobolada Bariga Somaliland oo ay kajirto abaar daran oo saamaysay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaanadaasi.Waxaana la filayaa in madaxwayne Siilaanyo saacadaha soo socda soo gaadho magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.
Xogo Iftiiminaya Lacagta Loogu Talagalay Safarrada Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Gobolada Somaliland Inta Baxday Iyo Inta Aan La Ogayn Halkay Ku Dambaysay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed M axamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hoggaaminayey daraad safarka ugu baxay Gobolada Saaxil iyo Togdheer, ayaa la sheegay in loo qoondeeyey lacag ku dhaw 100,000 (Boqol Kun ) oo Doollarka Maraykanka ah, taasoo Wasiirka maaliyadu Gacanta ku hayso.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP