Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Dhaliilay Inay Badashay Mawqifkii Ay Xukuumaddihii Hore Ka Taagnaayeen Somaliya

0
858

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in mawqifkii iyo halkii ay ka taagnaayeen Somaliya xukuumadihii hore Somaliland ay xukuumaddani badashay oo ay keentay in masuuliyiin xilal ka haya Somaliland ay somaliya tagaan ,waxaanuu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay sharci adag ay kasoo saarto.

 

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasin oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa sidoo kale ka hadlay doorashada madaxtooyada ,abaaraha dalka ka taagan iyo dhex-dhexaadinta Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo somaliya,waxaana uu yidhi isaga oo ugu horeyn ka hadlaya masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadda ee somaliya tagaya.

 

“Mawqif adag ayay xukuumadda Cigaal ka taagnayd somaliy,sidoo kalena xukuumaddii aan madaxwayne ku xigeenka ka ahaa ee Daahir Riyaale Kaahina madaxwaynaa ka ahaa mawqifka adag bay ka taagnayd soamliya oo sharcigii ku waajahnaa somaliya ee uu adkeeyey Cigaal,Daahir Riyaale-na sii asdkeeyey waxa dabcisay xukuumaddan oo wali taariikhda Somaliland may dhacin in dad xilal qaranka u haya inay somaliya tagaan,waxa keentay inay somaliya tagaan mawqifkii aanu adkaynay ee aanu meesha adag iska taagnay ayay xukuumaddani dabcisay,hadii ay sidaasi dhacdayna waxaan kula talinayaa xukuumadda in waxii hadda ka danbeeya inay go’aan adag ka qaadato oo sharci kasoo saarto si aanay dib danbe u dhicin in dad xilal hayaa inay hanqal taagan somaliya”

 

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlayay wada hadalada Somaliland iyo somaliya ayaa waxa uu yidhi

 

“Markii horeba waa la ogaa I aanu turkigu aanu raali ka ahayn gooni isku taagan jamhuuriyadda Somaliland,inuu dhex dhexaadiyo wada hadaladana may ahayn,inuu midnimada doonayana waxa inagaga filan safiirka muqdisho u fadhiya ,waxana anigu so jeedin lahaa in gabi ahaanba wada hadalada uu turkigu wado in la joojiyo ,waxaan ku talinayaa sida marar badan ooh ore sheegay in loo yeedho oo miis la wada fadhiisiyo shanta somaliyeed iyo waliba wadamada Ingiriiska,talyaaniga iyo faransiiska ee haystay markaas ayaa la isku garabaayaa oo ayny xaqeena helaynaa inagu maynu raadinayn oo qudha Koonfur ee waxaynu doonaynay shanti soomaliyeed oo mid noqota”

 

Madaxwayne ku xigeenkii hore mar uu ka hadlayay abaarahas dalka ka jira iyo doorka ay ka qaateen xisbiyadu ayaa waxa uu yidhi

 

“Maaha in dadka abaaruhu hayaan in la isku faano oo lagu tartamo oo loolan iyo olole loo galo waxa la siinayana lagu faano,dadkani waa dad dhibaataysan waxa u baahan yihiin in waxii la siinayo ee lagu tari karo lagu taro oo lagu sadaqadaysto,si ajar iyo naxariis illaahay looga helo.waxaanan axsaabta kula talinayaa in aana loolan k adhigan dadkiida baahan eeda alle ha u caawiyaan”

 

Madaxwayne ku xigeenka mar aanu waydiinay sida uu u arko hadal kasoo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo sheegay inay doorashadu dib u dhacayso madaama lagu jiro abaar waxa uu ku jawaabay

“Doorashada muuddo ayaa ka hadhay ilaa shann bilood ayaa ka hadhay,hawsha doorashadana cid baa u xil saran ee inta doorashada lagu mashquualayo waxa haboon in loo gurmado oo wax loo taro dadkan dhibaataysan ee gurmadka iyo gargaarka u baahan”

 

Axmed Yuusuf Yaasin ayaa mar uu ka hadlayay abaarta iyo sida looga feejignaan karo ayaa waxa uu yidh “Ilaahay aynu barino oo istaqfaarta iyo baryadiisa aynu badino,dunuubta,laqwiga iyo danbiga iyo beenta aynu iska dayno oo illaahay haloo noqdo si uu abaarta inooga dul qaado cid la baryona ilaahay ayaa ugu wanaagsan ee baryadiisa aynu badino”

 

Gabagabadiina Axmed Yuusuf Yaasin ayaa mar uu ka hadlayay wafuuda badan ee madaxwaynaha raacda marka uu safarada baxayo ayaa waxa uu yidhi.

 

“waxay ahayd in madaxwaynaha ay raacaan cidii ay aan looga maarmi Karin,laakiin in raxan wasiiro ah ay raacaan oo kharash aad u fara badadn oo u baahan in dadka lagu caawiyo ay iyaga ku baxaan maaha”

 

 

Xigasho: Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here