Waftigii Madaxwayne Siilanayo Hogaaminayay Oo U Baxay Gobolka Sool Iyo Warar Hor Dhac Ah Oo Kasoo Baxaya Magaalada Laascaanood Oo Waftigu Ku Jihaysan Yahay

0
878

Laascaanood, (HargeisaPress) —Wararka nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in waftigii madaxwaynaha Somaliland hogaaminayay oo habeenimadii xalay ahayd u dhaxay magaalada Caynaba ay goor dhawayd u baxeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Waxaana ujeedada waftigani ay tahay sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen gurmadna u gaadhsiin lahaayeen dadka ay abaartu ku saameysay deegaanada gobolka sool .

 

Waxaana magaalada Laascaanood naga soo gaadhaya warar sheegaya in magaalada laascaanood qaybo kamid ah ay ka socdaan mudaharaado ay dhigayaan qaar kamida bulshadu isla markaana ay kaga soo horjeedaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo ay ku eedeyeen inay ka gaabiyeen gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada gobolka sool.

 

Waxaana naloo sheegay in dadkan ay badankoodu sitaan calamaanta xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in masuuliyiinta xisbigu ay gurmad iyo taakulo deg deg lasoo gaadheen dadka ay abaaruhu ku sameeyeen deegaanada gobolada bariga Somaliland,balse xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ay lasoo gaabiyeen gurmadkaasi la gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu caydheeyeen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here