Madaxtooyada oo bog cusub ku tilmaamtay booqashadii Madaxweyne Cirro ee Jabuuti

0
1168

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa shaaciyay in booqashadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku tagay Jabuuti toddobaadkii hore ay tahay bog cusub oo u furmay xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland wuxuu tilmaamay in socdaalkii rasmiga ahaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti uu muujinayo sida ay uga go’an tahay labada dal iskaashi  dhab ah, is-ixtiraam iyo horumar wadajir ah oo ka hirgala Geeska Afrika.

Wuxuu afhayeenku xusay muddadii lagu gudo jiray booqashadaas muhiimka ahayd labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Jabuuti yeesheen wadahadallo qoto dheer oo lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed, laguna horumarinayo iskaashiga dhaqaale, isla markaana lagu wajahayo caqabadaha guud ee ka jira gobolka.

“Labada Madaxweyne waxay mar kale xoojiyeen sida ay uga go’an tahay in si nabad ah wadajir loogu naalloodo iyo in si middaysan loo raadiyo danaha guud ee labada shacab iyo guud ahaan mandaqadaba,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige Deyr oo qoraal ku daabacay barta X Twitter.

Afhayeen Deyr wuxuu carabka ku dhuftay  socdaalkii madaxweynuhu uu ka turjumayo  sida Jamhuuriyadda Somaliland uga go’an tahay diblomaasiyadda wax dhisaysa iyo kor u qaadista kaalinteeda shariifka ah ee kaga jirto xasilloonida iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay meelmaraan midhaha ka dhashay socdaalka madaxweynaha, si loo adkeeyo cilaaqaadka Somaliland iyo Jabuuti.

Waxa kaloo uu si mug leh ugu mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddiisa iyo shacabka Jabuuti oo si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii oo ay u muujiyeen saaxiibtinimo iyo walaaltinimo dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here