Madaxdii ugu sarraysay WADDANI ee degmada Geed-ballaadhan oo ku biiray KULMIYE

0
1095

Geedballaadh (Hargeisa Press)- Masuuliyiintii ugu sarraysay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI degmada Geedballaadh ee gobolka Gabiley, ayaa gebi ahaanba iska casilay xilalkii ay xisbigaas ka hayeen, waxan ay si rasmi ah ugu soo biireen xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Waxana xarunta guud ee xisbiga Kulmiy3 ku soo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xubno kale oo xukuumadda iyo xisbigaba ka tirsan.

Masuuliyiintan iska casilay xisbiga WADDANI kuna soo biiray KULMIYE oo uu hoggaaminayo, Guddoomiye ku-xigeenka WADDANI u qaabilsanaa degmadaas, Axmed Maxamed Aadan, isla-markaana ay wehelinayeen Guddoomiyihii garabka haweenka u qaabilsanayd deegaankaasi, Samiira Maxamed Muuse, garabka dhallinyarada, Marwo Ayaan Iidle Ismaaciil oo ahayd guddoomiyihii Ololaha Waddani ee degmada, Saado Cumar Xasan oo ahayd guddoomiyihii xafiiska degmada, Marwo Farax Maxamuud Axmed oo ahayd Xoghayntii xisbiga ee degmada iyo masuuliyiin kale, ayaa shaaciyey inay iska wada casileen xilalkii ay WADDANI ka hayaan, kuna biireen xisbiga KULMIYE.

Wasiirka horumarinta Beeraha, Axmed Maxamed Habbane oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey masuuliyiinta cusub ee iska casiley xisbiga Waddani ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxana uu sheegay inay yimaadeen madal fikirkooda iyo aragtidoodaba looga baahan yahay.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kelmedo kooban ka jeediyey munaasibadda soo dhaweynta, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey masuuliyiinta ka soo digo rogatay xisbiga Waddani.

Waxana uu guddoomiye ku xigeenka koowaad, hoosta ka xarriiqay in codkooda iyo cududdoodaba looga baahan yahay xisbiga Kulmiye.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here