Madaxda Mucaaradka Somaliland oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Garab-istaagaan Ciidamada Qaranka

0
1801

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa waxaa ay baaq culus u direen guud ahaan Shacabka Somaliland.

Madaxda mucaaradka Somaliland, ayaa waxaa ay shacabka ugu baaqeen in ay garab istaag u muujiyaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee dagaalka kula jira kooxaha huwanta ee isa soo baahaystay ee ku soo duulay xuduuda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka ugu baaqay in la garab istaago Ciidamada Qaranka Somaliland, isaga oo ugu baaqay in ay kala saaraan siyaasada iyo calanka.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sidoo kale Ciidamada Qaranka Somaliland ugu baaqay in ay midnimadooda ilaashadaan.

Dhinaca kale, Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isna shacabka Somaliland ugu baaqay midnimo.

Waxaa kale oo uu Ciidamada Qaranka Somaliland ugu baaqay in ay isku duubnaadaan, islamarkaana, waxa uu sheegay in milaterigu yahay ciidanka ay Somaliland ku taagan tahay.

Cirro, waxaa uu sheegay in qoraalkii ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ee lagu sheegay in ciidanku ay amar xukuumadeed kaga soo baxeen Goojacadde aanu jawaab shacabka u noqon karin, islamarkaana loo baahanyahay in xukuumadu dadka qanciso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here