Hargeisa (Hargeisapress)- Qaar kamida Madax-dhaqameedka gobolada Maroodi Jeex iyo Gabiley ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedo dhawaan ay qaar kamida Odoyaasha Koonfurta Hargeysa ujeediyeen Shirkada Oomaar iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.
Madax-dhaqameedkan ayaa ugu horay sharaxaad ka bixiyay sida ay u dhacday arintani, Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Suldaan Xuseen Aw Muuse Warsame oo ah Odaygii bixiyay khasaare gaadhi loo sheegtay Wiil oo Oday u yahay, isagoo sheegay in ay dhamaysteen arintaa Odoyaasha Beeshan tvga ka eedaynaysay Shirkada Oomaar.
Dhinaca kale, Waxa ay digniin culus u direen Odoyashii dhawaan warbaahinta la hadlay ee Beesha Yoonis, Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan, Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariin.
Oday Cabdi Bayle ayaa eedo culus u jeediyay Taliyaha Ciidanka Taraafikada oo uu ku sheegay in uu yahay ninka markasta oo sharciga laysla galo qolada afduubka u gaysatay Gaadiidka Shirkada Oomaar uu yahay ninka reer ahaanta kusii daaya.
WARIYE: XAMSE JIRDE
HARGEISA PRESS.COM
OFFICE HARGEISA